Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man City Vs Man United Ka Hor Kulankooda Premier League.

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man City Vs Man United Ka Hor Kulankooda Premier League.


Kooxaha Man United iyo Man City ayaa fooda isku dari doona Etihad Staduim kulan ka tirsan horyaalka premier League oo si weyn loo sugayo.

Kulanka Manchester Derby ayaa xiiso gaar ah leh xilli ciyaareedkan maadama ay labada kooxood ku kala jiraan kaalinta 1-aad iyo 2-aad ee kala saraynta premier League.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waliba isha ku haya guushoodii 22-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Dhanka kale Man United ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib labadii bar-baro ee kulankii ugu dambeeyay.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah waliba la odhan karo waxa ay ka mid yihiin xiddigaha ugu fiican adduunka.

Hadaba shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Adag ee Axada.

Kooxda Man City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay kooxda Man United kaliya 3 xiddig ku leedahay shaxda.


Source: laacibfm.com

SHARE