Waa Sidee Rajada Neymar Ee Ku Aadan In Uu La Lug Helo Kulanka Champion-ka Ee Barcelona

Waa Sidee Rajada Neymar Ee Ku Aadan In Uu La Lug Helo Kulanka Champion-ka Ee Barcelona


PSG ayaa rajo wacan ka leh in ay suura gal noqon karto in garabkooda Neymar uu la lug heli karo kulanka Champion-ka ee ay Barcelona la ciyaarayaan

PSG ayaa arbacada marti gilineysa Barcelona oo ay wada ciyaarayan lugta labaad ee wareegga 16-ka xilli lugtii hore ay soo gaareen guul .

Warbaahinta France ayaa sheegeysa in ay jirto rajo ah in Neymar uu la lug heli karo kulanka arbacada ee kooxdiisa hore Barca

Tababarkii qamiista ayaa waxaa tababarka kooxdaas ku soo laabtay Neymar iyo Veratti waana midda keentay rajada ah  in Neymar uu ciyaari karo kulanka arbacada.

Neymar ayaa ka maqan kooxdaas tan iyo 10kii bishii  hore ka dib dhaawac bowdada ka gaaray  halka Verrati isna uu dhaawacmay 26-kii bishii hore

Labada laacib ayaa haatan aad loogu badinayaa in ay ciyaari karaan kulankaas xilli sidoo kale tababarkii jimcihii uu ku soo laabtay Di Maria ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac hayay .


Source: laacibfm.com

SHARE