“Waxa Aan Ku Guulaystay Koob Aanad Waligaa Ku Guulaysan”:-Ivan Rakitic Oo Ku Digtay Lionel Messi.

“Waxa Aan Ku Guulaystay Koob Aanad Waligaa Ku Guulaysan”:-Ivan Rakitic Oo Ku Digtay Lionel Messi.


Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa fariin digasho ah u diray kabtankiisii hore ee kooxda Barcelona Lionel Messi.

Barcelona iyo Lionel Messi ayaa Sevilla ka reebay tartanka Copa Del Rey-ga Arbacadii kadib markii ay guul soo soo laabasho leh ka gaadheen.

Laakiin Rakitic ayaa fariin digasho ah u diray kabtankiisii hore isaga oo u sheegay koobka uu isagu ku guulaystay ee uuna Lionel Messi waligiis ku guulaysan.

“Waan la hadlay Messi waxana aan u sheegay” Waxa aad ku guulaystay koobab badan, waxa aad dhalisay goolal badan laakiin wali kumaad guulaysan koobka aan ku guulaystay”ayuu Rakitic u sheegay La Liga Tv.

“Wali kumaad guulaysan Euuropa League waligaana kuma guulaysan doontid”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE