Weeraryahan Mise Daafac Dhexe? Bartilmaameedka Ugu Muhiimsan Man United Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday.

Weeraryahan Mise Daafac Dhexe? Bartilmaameedka Ugu Muhiimsan Man United Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay muhiimada siin doonto saxiixa weeraryahan cusub marka uu furmo suuqa xagaagu.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhalisay in 3 gool ka yar goolasha ay dhaliyeen kooxda ay jaarka yihiin ee Man City xilli ciyaareedkan Premier League.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaan wax goolal ah dhalin 3 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan iyaga oo aan wax gool ah dhalin kulamadii Real Sociedad, Chelsea iyo Crystal palace.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay kooxda Man United bartilmaameedsan doonto saxiixa weeraryahan cusub marka uu furmo suuqa xagaaga.

xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda xilli ciyaareedkan taas oo muujisay baahida ay kooxdu u qabto weeraryahan cusub.


Source: laacibfm.com

SHARE