Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay Chelsea.

Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay Chelsea.


Kooxda Liverpool ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee horyaalka Premier League kadib guuldaro xanuun Badan oo ay kala kulantay kooxda chelsea.

Gool uu dhaliyay Mason Maunt ayaa la macno ah in ay Liverpool la kulantay guuldaradii 5-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan garoonkeeda Anfield.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay Chelsea.

1.Dhamaan goolasha uu Mason Maunt u dhaliyay chelsea xilli ciyaareedkan ayaa ka yimid meel ka baxsan garoonkooda isaga oo waliba dhaliyay 3 ka mid ah goolashaas adib markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

2.Liverpool ayaa dhalisay kaliya hal gool qaybta hore ee kulmada premier League inkasta oo ay isku dayeen 78 laad oo goolka ah.

3.Isku daygii madaxa ahaa ee uu Georginio Wijnaldum daqiiqadii 85-aad la beegsaday Goolhayaha ayaa ah isku daygii ugu horeeyay ee ay Liverpool la beegsatay goolhayaha intii uu socday kulankii xalay.

3.Kooxda Liverpool ayaa laga badiyay 5 kulan oo xidhiidh ah garoonkeeda tartamada oo dhan markii ugu horaysay ee taariikhooda.

4.Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale ah kooxdii ugu horaysay ee difaacanaysa premier League oo 5 kulan oo xidhiidh ah looga badiyo garoonkeeda horuaalka.

5.Chelsea ayaa laga dhaiyay kaliya 2 gool 10-kii kulan ee uu hogaaminayay tababare Thomas Tuchel waana isla rikoodhkii uu Jose Mourinho u dhigay kooxda 10-kiisii kulan ee ugu horeeyay.

6.Édouard Mendy ayaa shabaqiisa ilaashaday 12 ka mid ah 22 kulan oo uu ku bilowday horyaalka premier League waana Goolhahaya kaliya ee shabaqiisa ilaashaday kala badh kulamada uu ciyaaray 210-ka goolhaye ee ugu yaraan 10 kulan ku bilowday tartanka.

7.Liverpool ayaa kaliya heshay 10 dhibcood 11 kulan oo ay ciyaartay premier League sanadka 2021 kaliya kooxaha West Brom, 2, Newcastle, 7 iyo Southampton oo 4 helay ayaa ka yar dhibcaha sanadkan 2021


Source: laacibfm.com

SHARE