Atletico Madrid Mise Real Madrid? Ronald Koeman Oo Kashifay Kooxda Uu Doonayo In Ay Badiso Kulanka Madrid Derby

Atletico Madrid Mise Real Madrid? Ronald Koeman Oo Kashifay Kooxda Uu Doonayo In Ay Badiso Kulanka Madrid Derby


Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sheegay in uu jecelyahay in ay Real Madrid badiso kulanka Madrid Derby ee dhici doona Axada.

Isaga oo aan magacaabin kooxda Real Madrid tababaraha Barcelona ayaa sheegay in uu jecelyahay in ay hogaamiyayaasha horyaalka ee Atletico Madrid dhibco lumiso.

“Ugu horayn waxa jira kulankeena, waa in aan badino”ayuu Koeman yidhi.

“Waxa mar walba fiican in kooxda hogaaminaysa horyaalku dhibco Lumiso laakiin waa in aanan ku tiirsanaan kulankooda sababta oo ah hadii aanan badin”.

Labada kooxood ee reer Madrid ayaa kulanka soo galaya iyaga oo 5 dhibcood kala horeeya tartanka horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE