Atletico Madrid Vs Real Madrid : Kooxda Boqortooyada Iyaga Ayaa Gacan Sareeyay Kulamadii Ugu Dambeeyay
Real Madrid ayaa kulan waliba loolanka horyaalka soo nooleyn kara waxa ay la ciyaarayaan Atletico Madrid oo hadii ay soo badiyeen kulankaas waxa ay soo galayaan booska labaad oo ay Barcelona ay isku dhibco noqonayaan kuwaais oo hatan leh 56 xilli kooxda hogaanka haysa ay leeyihiin 58 dhibic
Xogta Kulanka
*Real waxa ay kulankaan galayaan iyadoo kulamadii ugu dambeeyay ay ka gacan sareeyeen Atletico Madrid , 20-kii kulan ee ugu dambeeyay waxa ay badiyeen 10 kulan halka Atletico ay badiyeen kaliya 4 kulan.
*Guud ahaan waxa ay labada koox kulmeen 226 jeer dhamaan tartamnada , Real Madrid ayaana badisay 112 kulan halka Atletico ay badiyeen 56 jeer .
*Markii ugu dambeeysay ee Atletico kulan La Ligaha ah ku garaacaan waxa aheyd aheyd February 2016 waxa ayna waqtigaas Bernabeu kala soo laabteen guul hal gool ah .
*Real Madrid waa ay abdiyeen sededxidi kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku soo ciyaaren banaanka garoonkooda
Shaxda laga yaabo in ay labada koox ku soo galaan ayaa ah
Atletico Madrid possible starting lineup:
Oblak; Savic, Felipe, Hermoso; Trippier, Llorente, Koke, Saul, Carrasco; Felix, Suarez
Real Madrid possible starting lineup:
Courtois; Vazquez, Nacho, Varane, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos, Valverde; Benzema, Vinicius
Source: laacibfm.com