Barcelona Oo Guul Ka Soo Gaartay Osasuna , Booska Labaad Ayay Galeen Ka Hor Kulanka Real Iyo Atletico

Barcelona Oo Guul Ka Soo Gaartay Osasuna , Booska Labaad Ayay Galeen Ka Hor Kulanka Real Iyo Atletico


Barcelona aya guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen kooxda Osasuna  ay marti u ahaayeen waxa ayna uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah xilli ka hor kulanka Real Madrid iyo Atletico ay soo galeen booska labaad

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Osasuna hal gool oo nadiif ah xilli saaxibada Messi ay ku badnaayeen maamulka kubadda

Kooxda garoonka leh waxa goolal xaqiiq ahaa qeybtaas hore u diiday goolhayaha Barcelona kaasi oo kubado xaqiiq ahaa si cajiib ah u bad baadiyay .

Barcelona waxaa ku adkaa in kubadda gaarsiiyaan afka hore kooxda ay martida u ahaayeen xilli  laadka goolka uu ku yimid uu ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku laadeen goosha Osasuna waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 27-aad waxaana saxiixay Jordi Alaba.

Kooxda garoonka daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waliba si sax ah kubadda u gaarsiinayeen afka hore ee goosah Barcelona balse nasiibka ayaa ka maqnaa .

Qeybta labaad , Barca ayaa biloowgii ku sareeysay maamulka kubadda balse kooxda garoonka halis ayay ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna kubadooda ka socotay garabka bidix xili Barcelona aysan sameyn halis gilin muuqata .

Daqiiqadii 75-aad , Messi ayaa kubad gool aheyd waxaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayah Osasuna , waxaana hanaanka ciyaarta laga dareemayay in labada dhinac ay keeni karaan goolal .

Barcelona waxa ay qeybta labaad horay u soo giliyeen Dembele oo loo saaray Umtiti waxaana xigay oo la soo giliyay Braithwaite iyo Ilaix Moriba oo loo saaray Griezmann iouo Busquets , waxana dhamaadkii gool u dhaweyd Barceklona oo sahal ay u noqotay in kubadda gaarsiiyaan afka hore Osasuna .

Messi si weyn ayuu u dhaqaaqayay kulankaan waliba u dhisayay kubadaha ilaa goolm labaad uu si cajioib ah uga shaqeeyay waxaan si qurux badan u dhaliyay Ilaix Moriba  daqiiqadii 83-aad .

Kooxda garoonka waxaa guul darada ku keenay badallo uu sameeyay macalinkooda oo dhanka weerarka ah taasi oo saameysya kooxda dhamaadkii , waxa ayna  ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Barcelona ku badisay .


Source: laacibfm.com

SHARE