Bruno Fernandes Oo Sabab U Noqon Kara In Ay Man United Lacag Dheeraad Ah Siiso Sporting Lisbon

Bruno Fernandes Oo Sabab U Noqon Kara In Ay Man United Lacag Dheeraad Ah Siiso Sporting Lisbon


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku qasbanaan doonto in ay Sporting Lisbon Siiso lacag dhan 5 milyan oo euro hadii uu xiddiga Bruno Fernandes ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 22 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale 40 kulan oo uu ciyaaray.

Bruno Fernandes Ayaa dhaliyay 15 gool oo Premier League ah iyo 11 caawin ah 27 kulan oo uu ciyaaray waxana uu ugu cad-cadyahay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Man United 5 milyan miiska u saari doonto kooxdii hore ee Bruno Fernandes ee Sporting hadii uu Xiddigu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican Premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE