Bruno Fernandes Oo Sharaxay Sida Ay Man United Tahay In Ay U Ciyaarto Si Ay U Joojiso Man City.

Bruno Fernandes Oo Sharaxay Sida Ay Man United Tahay In Ay U Ciyaarto Si Ay U Joojiso Man City.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in ay Man United u ciyaarto koox ahaan si ay u joojiso Man City.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 14 dhibcood ka horeeya Kooxda Man United oo ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League.

Man United ayaa garaacday Man City 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Etihad laakiin Fernandes ayaa sheegay in ay kooxda Man United ka fikiri doonin dhibcaha ay ka dambeeyaan Man City.

“Waa in aan badino kulan kasta waanan ognahay arintaas”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan u ciyaarnaa koox weyn waanan oganahay in ay tahay in aan guul gaadhno kulan kasta”.

“Dabcan cid walba way ogtahay muhiimada uu noo leeyahay kulanka Derby laakiin waa in aan nafteena eegno oo aanan eegin dhibcaha aan ka dambayno Man City”.

“Waa in aan guul gaadhno kulamadeena, hadii aan badano kulamadeena waxa aan eegi doonaa meesha aan gaadhno dhamaadka xilli ciyaareedkan waana waxa uu qof walba ka fikirayo haatan”.

“Waan ognahay in uu kulanka Man City noqon doono mid adag laakiin hadii aan koox ahaan u ciyaarno waxa aan haysanaa fursad aan uga badin karno Man City”.


Source: laacibfm.com

SHARE