Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Feedhyahanka Muslim-ka ah ee Khabib Nurmagomedov Oo Ku Biiray Muranka Midka Fiican Labada Xiddig.

Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Feedhyahanka Muslim-ka ah ee Khabib Nurmagomedov Oo Ku Biiray Muranka Midka Fiican Labada Xiddig.


Feedhyahanka Muslim-ka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa fikirkiisa ka dhiibtay Muranka kubada cagta ee ah xiddiga ugu fiican adduunka.

Khabib Nurmagomedov ayaa ah mid aad u xiiseeya kubada cagta waxana uu dhawaan ka qayb galay kulankii PSG iyo Barcelona ee champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda uu taageero waxana uu aaminsanyahay in uu xiddigii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo yahay xiddiga ugu fiican kubada cagta.

Khabib Nurmagomedov oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hagaag, Waxa aan kaalinta 1-aad dhigiyaa Cristiano”.

“Cristiano waa xiddiga ugu fiican kubada cagta, Zlatan sidoo kale waxa loogu yeedhi karaa xiddig fiican laakiin waxa ka horeeya Lionel Messi”.

“Sidaas darteed xiddiga ugu fiican waa Cristiano, waxa ku xiga Messi waxana ku sii xiga Zlatan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE