Man United Oo Doonaysa Da’yar U Ciyaara Barcelona Laakiin RB Leipzig Ayaa Ku Garbinaysa Saxiixiisa.

Man United Oo Doonaysa Da’yar U Ciyaara Barcelona Laakiin RB Leipzig Ayaa Ku Garbinaysa Saxiixiisa.


Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay lasoo saxiixato da ‘yarka Barcelona Ilaix Moriba.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa kooxda 1-aad ee Barcelona u ciyaaray 4 kulan xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Man United haatanba dalab miiska u saartay kooxda Barcelona si ay u keenaan xiddiga da’yarka ah premier League.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda RB Leipzig kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga Ilaix Moriba ayaa kooxda Barcelona joogay tan ilaa sanadkii 2010 waxana uu u ciyaaray xulka qaranka Spain ee da’dooda 17 iyo 18 jirada.


Source: laacibfm.com

SHARE