Raphinha Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Liverpool.

Raphinha Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Liverpool.


Xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha ayaa sheegay in uu ku faraxsanayahay kooxda Leeds kadib markii lala xidhiidhiyay kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Leeds United xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool sidoo kale sameeyay shan caawin.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa xagaagii hore kaga soo biiray Leeds kooxda Rennes isaga oo ugu yimid kooxda 17 milyan oo euro.

Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa soo jiitay indhaha kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay xoojiyaan weerarkooda suuqa xagaaga.

Laakiin Raphinha ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Leeds United.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka qayb noqdo kooxda”ayuu yidhi.

“Markii aan ogaaday in ay Leeds xiiso u qabto saxiixaysa waan ogolaaday waxana aan ku faraxsanahay sida ilaa haatan kooxdu iila dhaqantahay ilaa haatan sidaas darteed waan ku faraxsnaahay kooxda”.


Source: laacibfm.com

SHARE