Saddex Sabab Oo Ay Chelsea Ugu Kalsoontahay In Ay Ku Guulaysan Doonto Saxiixa Erling Haaland.

Saddex Sabab Oo Ay Chelsea Ugu Kalsoontahay In Ay Ku Guulaysan Doonto Saxiixa Erling Haaland.


Kooxda chelsea ayaa aad ugu kalsoon in ay heli doonto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu Dortmund ku soo biiray isaga oo dhaliyay goolal aad u badan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxo waaweyn oo reer yurub ah kana mid yihiin kooxaha Man United, Man City, Liverpool, Real Madrid iyo Chelsea kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay jirto saddex sabab oo ay chelsea ugu kalsoontahay in ay kooxaha waaweyn ee reer yurub ugu garaaci doonto saxiixa xiddiga.

Sababta ugu horaysa ayaa ah in uu Milkiilaha kooxda ee Roman Abramovic diyaar u yahay in uu tababare Thomas Tuchel siiyo lacag ugu yaraan 200 ah si uu ugu xoojiyo kooxda marka uu kooxda u soo saaro champions League.

Sidaas darteed dhanka lacagta ayaa ah sababta ugu horaysa ee ay chelsea ugu kalsoontahay in ay kooxaha kale ku garaaci karto saxiixa xiddiga.

Sababta kale ayaa ah in uuna Tuchel wali dooran weeraryahankiisa 1-aad maadama uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddigaha Tammy Abraham iyo Olivier Giroud sidaas darteed Blues ayaa u dhaqaaqi doonta Haaland si uu u noqdo dookha 1-aad ee weerarka chelsea hogaamin doona xilli ciyaareedka dambe.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah in ay chelsea doonayso in ay xilli ciyaareedka dambe Man City kula tartanto ku guulaysiga horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE