Sergio Aguero Oo Laga Doonayo Serie A-da, Koox Weyn Ayay Kaga Dhagantahay.

Sergio Aguero Oo Laga Doonayo Serie A-da, Koox Weyn Ayay Kaga Dhagantahay.


Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu isaga tagi doono hogaamiyayaasha Premier League ee Man City.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga reer Argentine laakiin wargayska Sport Mediaset ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus xiiso u qabto saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso in ay Aguero ka garab ciyaarsiiso xiddiga Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa aaminsan in uu xiddigu Cristiano Ronaldo ka caawin karo in uu kooxda ku hogaamiyo tartanka champions league.


Source: laacibfm.com

SHARE