WARBIXIN:Kooxaha Premier League Xiddigaha Ugu Badan Dhaawaca Uga Maqanyihiin Haatan Oo La Soo Saaray

WARBIXIN:Kooxaha Premier League Xiddigaha Ugu Badan Dhaawaca Uga Maqanyihiin Haatan Oo La Soo Saaray


Xilli ciyaareedkan dhaawacyada ayaa door weyn ka qaatay in ay dhibaatoodaan kooxo badan horyaalka premier League tan ilaa markii uu bilowday xilli ciyaareedku.

Shabakada Sky Sport ayaa soo saartay Liiska kooxaha xiddigaha ugu badan dhaawaca uga maqan yihiin horyaalka premier League.

Kooxaha Crystal Palace iyo Leicester City ayaa haatan ah labada kooxood ee xiddigaha ugu badan dhaawaca uga maqan yihiin iyada oo ay dhaawac uga maqan yihiin labadaas kooxood 9 xiddig.

Kooxda Liverpool ayaa ku xigta iyada oo ay haatan dhaawac uga maqan yihiin 8 xiddig halka ay kooxaha Leeds United, Newcastle, Sheffield United iyo Southampton min 7 xiddi dhaawac uga maqan yihiin.

Kooxaha Arsenal, Man City iti Tottenham ayaa ah kooxaha ay xiddigaha ugu yar dhaawac uga maqan yihiin iyada oo ay min hal xiddig dhaawac uga maqan yihiin.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska kooxaha xiddigaha ugu badan dhaawaca uga maqan yihiin:


Source: laacibfm.com

SHARE