XASAASI: Mohamed Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool, Maxaa Cusub.

XASAASI: Mohamed Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool, Maxaa Cusub.


Xaalka kooxda Liverpool ayaa sii xumaanaya kadib 5 guuldaro oo xidhiidh ah oo garoonkooda ah horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan.

Kulankii chelsea waxa si weyn u cadhooday xiddiga ugu fiican Liverpool ee Mohamed Salah kadib markii la badalay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Shabakada inside Football ayaa sheegaysa in uu xiddiga Mohamed Salah ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda liverpool suuqa xagaaga kadib wixii dhacay kulankii chelsea.

Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu fiican Liverpool tan ilaa markii uu kooxda yimid xagaagii 2017 waxana uu kooxda u dhaliyay goolal badan.

Laakiin Salah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda iverpool kadib markii uu si weyn uga xanaaqay go’aankii uu tababare Jurgen Klopp Badalka ugu sameeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE