Bernd Leno Oo Difaacay Nasiib Xume Granit Xhaka.

Bernd Leno Oo Difaacay Nasiib Xume Granit Xhaka.


Goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno ayaa difaacay Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka kadib markii uu xiddigu khalad dilaa ah sameeyay kulankii Burnley.

Kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysay kulanka waliba ahayd kooxda fiican ka hor intii uuna Granit Xhaka samayn khalad sabab u noqday in ay kooxdiisu lumiso dhibco muhiim ah.

Leno oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”Waxa aan doonaynaa in aan mar kale dib u dhisno sababta oo ah si fiican ayaan u shaqaynaynay kulamadii ugu dambeeyay laakiin Nasiib xun ayaa ku dhacay Granit”.

“Waxa mar walba jirta khatar marka aan halka dambe ka bilaabayno ciyaarta waxana aan u malaynaynaa in aanu xalin karno dhibaatadaas”ayuu sii raaicyay.


Source: laacibfm.com

SHARE