Granit Xhaka Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Khaladkiisii Burnley.

Granit Xhaka Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Khaladkiisii Burnley.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa raali galin u diray taageerayaasha kooxda Arsenal kadib khaadkii uu sameeyay kulankii Burnley ee sababta u noqday in ay kooxdiisu bar-baraha gashay.

Arsenal ayaa bar-baro 1/1 ah ku dhaafi wayday kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad.

Xiddiga Granit Xhaka ayaa sameeyay khalad dilaa ah oo sabab u noqday in ay Burnley dhaliso goolka bar-baraha qaybtii hore ee ciyaarta.

Granit Xhaka ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo oqray”Waxa aan kor u qaadayaa gacmahayga, waanan ka xumahay khaladkii aan sameeyay”.

“Waxan waa kubad cagta waxana aan dareemayaa Niyad jab sidiina oo kale”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE