Joleon Lescott Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Isaga Tagi Doona Chelsea & Thomas Tuchel Oo Sabab U Noqon Kara.

Joleon Lescott Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Isaga Tagi Doon Chelsea & Thomas Tuchel Oo Sabab U Noqon Kara.


Xiddigii hore ee xulka qaranka England ee Joleon Lescott ayaa sheegay in uu Tammy Abraham isaga tagi doono kooxda chelsea kadib markii uu Thomas Tuchel ka saaray qorshihiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Tammy Abraham ayaa fure u ahaa kooxda chelsea markii uu Frank Lampard joogay chelsea isaga oo dhaliyay 18 gool 47 kulan oo uu ciyaaray.

Laakiin Tuchel ayaa Abraham ka saaray qorshihiisa kulamadii ugu dambeeyay taas oo keentay in uu shaki soo food saaro mustaqbalkiisa.

Abraham ayaa haatan ka dambeeya Olivier Giroud iyo Timo Werner Joleon Lescott ayaana aaminsan in uu isaga tagi doono chelsea wakhti dhaw.

“Waxan u malaynayaa in uu Abraham si cad u sheegay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda hadii uuna ciyaarnayn”ayuu Joleon Lescott yidhi.

“Waa xiddig khibrad fiican helay waxana uu si fiican ugu ciyaaray chelsea xilli ciyaareedkii hore”.

“Sidoo kale si xun uma ciyaarin tan ilaa markii uu Tuchel yimid laakiin wax walba oo ay sababtu tahay waxa uu ka baxay qorshaha tababare Tuchel”.

“Hadii aan runta ka hadlo uma arko in uu sii joogi doono kooxda Chelsea”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE