Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Ku Saabsan Shaqo Ka Caydhintiisa.

Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Ku Saabsan Shaqo Ka Caydhintiisa.


Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay Mikiilayaasha Liverpool garab taaganyihiin.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa ka aamusan xaalada Liverpool xilli ay kooxdu ku jirto wakhti adag waliba 5 kulan oo xidhiidh ah looga badiyay garoonkooda Anfield markii ugu horaysay.

Klopp ayaa sheegay in uuna arkin waxa muujinaya in uu waai karo shaqadiisa Liverpool hadii uu sii socdo fashilka kooxdu.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma samayn karno wax aan ka ahayn shaqadeena ugu fiican waana sida ay mar walba ahayd”.

“Hadii ay jirto cid aaminsan in uu jiro tababare qaban kara shaqada uu tababare qabtay waa in ay go’aan qaaataan”.

“Uma malaynayo in ay arintu sidaas tahay uma malaynayo in ay madaxda kooxdu haystaan fikirkaas”.

“Marka aan guulo gaadhno kulamada si joogto ah uma dabaal dagno, hadii aan guuldaro la kulano ma bilowno in aan is feedhno laakiin waa inta u dhexaysa”.

“Waxa jirtay xaalad i soo martay intii aan joogay Dortmund kadib wakhti guulo ah oo aan qaadanay”.

“Laakiin xaalka Liverpool ee haatan uma dhawa midkii Dortmund marka laga hadlo dhanka dhaawacyada iyo in aanu helnay dhibco ka yar kuwa aan haatan helnay” ayuu sii raaciyay


Source: laacibfm.com

SHARE