Lionel Messi Oo Markii Ugu Horeeyay Ka Qayb Qaatay Codaynta Doorashada Madaxweyne Ee Barcelona.

Lionel Messi Oo Markii Ugu Horeeyay Ka Qayb Qaatay Codaynta Doorashada Madaxweyne Ee Barcelona.


Xiddiga koxoda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horaysay ka qayb qaatay codaynta Doorashada madaxtinimo ee kooxda Barcelona.

Doorashada Barcelona ee Madaxtinimada ayaa dhacday maanta oo Axad ah xiddiga reer Argentine ayaana ka qayb qaatay doorashada isaga oo codkiisa dhiibtay.

Garoonka Camp Nou ayaa marti galiyay codaynta Doorashada waxana uu Lionel Messi horay u sii watay wiilkiisa ugu weyn ee Thiago.

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa la maqlay iyaga oo ka codsanaya in uu sii joogo kooxda waliba heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Lionel Messi ayaan ahayn xiddiga kaliya ee ka qayb qaatay doorashada laakiin waxa sidoo kale codkooda ka dhiibtay xiddigaha Sergio Busquets, Riqui Puig, Sergi Roberto & Jordi Alba


Source: laacibfm.com

SHARE