Liverpool Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Kylian Mbappe Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Liverpool Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Kylian Mbappe Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe laakiin waa hadii uu xiddiga Mohamed Salah ka tago Reds xagaaga.

Salah ayaa la sheegayaa in uu ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda Liverpool xagaaga xilli ay Reds halis ugu jirto in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Masar ayaa mar kale xilli ciyaareed adag soo bandhigay isaga oo dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan waxana uu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa xagaaga 2023.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Liverpool lahaan doonto awooda dhaqaale ee ay ugu dhaqaaqdo xiddiga Mbappe hadii uu Salah ka tago Liverpool.

Mbappe ayaa dhankiisa kooxda PSG kula jira heshiis dhici doona xagaga 2022 waxana la filayaa in ay kooxdu iska iibiso xiddiga suuqa xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE