Liverpool Weli Waa Dhiig Baxeysaa , Fulham Ayaa Guul-dardii 6-aad Xariir Oo Anfield Ah Qoorta U Surtay

Liverpool Weli Waa Dhiig Baxeysaa , Fulham Ayaa Guul-dardii 6-aad Xariir Oo Anfield Ah Qoorta U Surtay


Liverpool ayaa guul-daradii 6-aad xariir ah oo garoonkooda waxa ay kala kulmeen Fulham oo oo ku garaacday hal gool oo nadiif ah .

Sheekada labada qeyb: Fulham ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtyay hal gool oo nadiif ah waxa uuna goolkaas yimid  daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dhamaadka qeybta hore , waxa ayna Liverpool kulankaas ku soo galeen  7 badal oo ah dhanka shaxda.

Liverpool iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda balse waxa ay aheyd mid aan micno laheyn marka loo eego in ay ku adkeyd in kubadda si dhab ah u geeyaan goosha kooxdsa Fulham

Fulham fursado  dhoqr ah ayay iska qasaariyeen iyaga ayaana Liverpool kaga wacnaa halis gilinta goosha ilaa ugu dambeyn ay keeneen gool daqiiqaddii 45-aad

Liverpool waxaa ay ka sheeganeysay in daafaca Fulham ay jiraan mana jirrin kubad ay si toos ah ugu halis giliyeen goosha , waxa ay ku fiicnaayeen kaliya  in kubadda cagtooda ku badnaado.

Liverpool qaladaadka kale ee ka dhacaya ayaa ah in daafacooda si ka bad badis ah ay afka horee ugu soo dhaqaaqayeen taasi oo keeneysay in lagu cabsi giliyo kubadaha rogaal celiska ah .

Soo laabashadii , Liverpool durba wax a ay ku sigteen in ay helaan goolka bar bar dhaca balse goolhayaha Fulham ayaa cajiib ah uga bad baadiyay daqiiqadii 47-aad

Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse si sax ah uma aysan gaareyn goosha Fulham kuwaasi oo mararka qaar ku halis gilinayay kooxda Klopp kubadaha rogaal celiska ah .

Fulham gool labaad ayay ku helki kareen Liverpool balse waxaa dilayay go`aano qaab deg deg ah ay u qaadanayeen marka goosha tagaan waxa ayna Liverpool badalkooda ugu horeeyay ku soo giliyeen Mane oo daqiiqadii 62-aad loo saaray  Wijnaldum .

Qeybihii da,be Liverpool , xoogaa waa ay ka duwaneyd qaabkii hore kubaddana waa ay gaarsiinayeen xilli daqiiqadii 69-aad kubad ay kaga dhacday birta waa ayna u dhawaanayeen in goolka bar bar dhaca keenaan

Fulham waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah  waxaana maamulka kubadda ku sareeyay Livrpool balse waxaa ka maqnaa kaliya gool , waxa uuna macalin Klopp daqiiqadii 77-aad soo giliyay  Arnlod iyo Fabinho oo loo saaray Neco Williams iyo Milner

Si waliba oo ay Liverpool isugu dayeen in goolka bar bar dhaca keenaan waxaa looga dhameeyay halkaas gool xilli Liverpool dhamaadkii kubada ay cagta ugu jirtay .


Source: laacibfm.com

SHARE