Man City Mise Man United: Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Manchester Derby, Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay.

Man City Mise Man United: Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Manchester Derby, Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay.


Xiddigii hore ee kooxda Man United Michael Owen ayaa saadaaliyay kulanka adag ee Manchester Derby ee horyaalka premier League kaas oo Etuhad ku dhexmari doona kooxaha Man City iyo Man United.

Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Man City garaaci doonto Man United waliba ka gaadhi doonto guul weyn kulan ay City talaabo u qaadi doonto ku guulaysiga horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guushoodii 22-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Man United ayaa ku jirta qaab ciyaareed aan fiicnayn marka loo eego in ay bar-baro gool la’aan ah gashay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Man City gaadhi doonto 3/1 isaga oo la hadlaya Betfair ayuu yidhi”Ole Gunnar Solskjaer waxa uu dhawaan la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha natiijooyinka ay kooxdiisu ka heshay kooxaha waaweyn ee 6-da ah”.

“Marka aad eegto qaab ciyaareedkooda lama yaabaysid sababta oo ah mar walba oo ay 6-da kooxood ee waaweyn ka hor tagayaan waxa ay ciyaaraan ciyaar daafac ah”

“Kooxda Man City ayaan filayaa in ay maamusho kulanka sidoo kale guul fudud ka gaadho Man United”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE