Man City Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Cajiib Ah Oo Guuldaro La’aan Ah Kulanka Man United.

Man City Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Cajiib Ah Oo Guuldaro La’aan Ah Kulanka Man United.


Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay dhigto rikoodhka guuldaro la’aanta marka ay marti galin doonaan kooxda Man United kulanka Manchester Derby.

Kooxda Pep Guardiola ayaa la joojin laayahay xilli ciyaareedkan xilli ay ku wajahanyihiin ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaan guuldaro la kulmin guuldaro tan ilaa markii ay guuldarada 2/0 ah kala kulantay Tottenham bishii November.

Hadii ay ka badbaadaan guuldaro ay kala kulmaan Man United kulankan waxa ay noqon doontaa kulankii 29-aad oo ayna guuldaro la kulmin tartamada oo dhan.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxdu guul gaadhay 21 kulan oo xidhiidh ah waana kooxda 3-aad ee ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta.


Source: laacibfm.com

SHARE