Man United Oo Aan Waxba Ka Ogayn Mustaqbalka Paul Pogba, Maxaa Cusub?

Man United Oo Aan Waxba Ka Ogayn Mustaqbalka Paul Pogba, Maxaa Cusub?


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay mugdi kaga jirto mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Wakiilka xiddiga reer France ee Mino Raiola ayaa sanadkii hore sheegay in wakhtigii xiddiga ee Old Trafford in uu soo dhamaaday taas oo dhalisay muran badan.

Ilaa haatan mustaqbalka phba ee Man United ayaa si weyn loo hadal hayaa xilli 18 bilood oo kaliya uga hadhsanyihiin heshiiskiisa Old Trafford.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ayna Man United iyo Wakiilka xiddigu wax heshiis kordhin ah ka wadahadalin inkasta oo uu xiddigu galayo xagaaga sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Sidaas darteed kooxda Man United ayuu cadaadis xoogan ka saaran yahay in ay go’aan weyn ka gaadho mustaqbalka xiddiga hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE