RASMI: Liiska Xiddigaha Uu Solskjaer Kaga Hor Tagi Doono Man City Oo La Soo Saaray & Xiddigo Ka Maqan.

RASMI: Liiska Xiddigaha Uu Solskjaer Kaga Hor Tagi Doono Man City Oo La Soo Saaray & Xiddigo Ka Maqan.


Xiddiga Edinson Cavani ayaan xiddigaha Man United la safrin ka hor kulanka adag ee Man City ee horyaalka premier League.

Cavani ayaa u muuqday mid ku soo laabanaya taam ahaanshihiisa kadib markii uu ka hor tagay Crystal Palace isaga oo seegay 4-tii kulan ee ka horeeyay.

Laakiin xiddiga ayaan xiddigaha kooxda ula safrin garoonka Lowry Hotel ka hor kulanka Manchester Derby ee horyaalka premier League.

Xiddigaha Donny Van de Beek, Paul Pogba iyo Juan Mata ayaa sidoo kale dhamaantood seegay kulanka iyaga oo ka maqan Liiska kooxda.

Xiddiga Anthony Martial & xiddigaha dayarka ah ee Shola Shoretire & Amad Diallo ayaa ku jiray Liiska xiddigaha lagu arkay hudheelka xalay.

Goolhaye David De Gea ayaa ka maqnaan doona kulanka iyada oo uu Goolhaye Dean Henderson ku bilaaban doono Goolka hortiisa kulankiisii ugu horeeyay ee Manchester Derb Premier League ah.


Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha United ee loo soo xushay kulanka Manchester Derby:

Dean Henderson, Lee Grant, Nathan Bishop, Harry Maguire, Eric Bailly, Victor Lindelof, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka, Luke Shaw, Alex Telles, Brandon Williams, Bruno Fernandes, Fred, Nemanja Matic, Scott McTominay, Marcus Rashford, Anthony Martial, Mason Greenwood, Daniel James, Shola Shoretire, Amad Diallo


Source: laacibfm.com

SHARE