Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Fulham, Klopp Oo Is Badal Samayn Doona

Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Fulham, Klopp Oo Is Badal Samayn Doona


Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee Premier League.

Reds ayaa u baahan in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka Premier League gaar ahaan garoonkooda kadib markii ay 5 kulan oo xidhiidh ah guuldaro kala kulmeen garoonka Anfield.

Klopp ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa si uu wax uga badalo natiijada sidoo kale u nasiyo xiddigaha kooxdiisa qaar ka mid ah.

Xiddiga Nat Philipps oo dhaawac ku seegay kulankii Chelsea ayaa la filayaa in uu ku soo laabto shaxda isaga oo ka garab ciyaari doona Fabinho.

Dhanka kale James Milner oo dhankiisa dhaawac ka soo laabtay ayaa lagu nasin karaa xiddiga Andy Robertson oo si joogto ah u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Naby Keita oo kaydka fadhiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ayaa dhankiisa laga yaabaa in uu ku bilowdo shaxda Reds isaga oo lagu nasin doono xiddiga da’yarka ah ee Curtis Jones.

Xiddiga Diogo Jota ayaa dhankiisa booska kala bixi doona xiddiga Sadio Mane kaas oo qaab ciyaareedka ku dhibaatooday kulankii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE