Thomas Tuchel: Halkan Arin Ayaan U Baahanahay Hadii Aan Doonayno In Aan Garaacno Everton.

Thomas Tuchel: Halkan Arin Ayaan U Baahanahay Hadii Aan Doonayno In Aan Garaacno Everton.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay kooxdiisu u baahantahay in ay ku jirto qaab ciyaareedkooda ugu fiican hadii ay doonayaan in ay guul ka gaadhaan kooxda Everton.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qaab ciyaareed fiican ku jira waliba aan wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababarka u noqday kooxda.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadaya ayaa yidhi”.

“Everton waa koox adag waxana ay ku jirtaa xili ciyaareed fiican”.

“Waxa ay haystaan xiddigo fiican waliba waa koo awood isticmaasha”.

“Carlo Ancelotti waxa garanaa si uu kooxdiisa u ciyaarsiiyo”.

“Sidaas darteed waxa aan u baahanahay in aan ku jiro qaab ciyaareedkeena ugu fiican hadii aan doonayo in aanu kaga badino waana waxa aan doonayno in aan samayno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE