WARBIXIN: Fernandes Vs De Bruyne & Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Man City & Man United Kulankooda Premier League.

WARBIXIN: Fernandes Vs De Bruyne & Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Man City & Man United Kulankooda Premier League.


Kulan xiiso leh ayaa Etihad ku dhexamri doona kooxaha Man City iyo Man United kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa kulan u soo gali doona sidii ay u gaadhi lahayeen guul muhiim ah maadama ay koox walba isha ku hayso u jeedo gaar ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa meelahaha ay ku kala badin karaan labada kooxood:


Bruno Fernandes vs Kevin De Bruyne:

Labada xiddig ayaa ah xiddigaha ugu muhiimsan labada kooxood waxana ay ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo kaligood go’aamin kara kulanka hadii ay ku jiraan maalintooda.

Bruno Fernandes Aayaa 15 gool dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa kaligiis ku hogaamiyay guulo muhiim ah kulamo badan xilli ciyaareedkan.

Burno ayaa ku dhibaatooday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn laakiin hadii uu habeenkiisa ku jiro waxa shaki la’aan ah in uu dhaawici karo Man United.

Dhanka kale Kevin De Bruyne ayaa dhankiisa laf dhabar u ah kooxda Man City waxana uu kooxdiisa u shaqeeyay dhibco badan horyaalka premier League.

De Bruyne ayaa sidoo kale aan xilli ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa laakiin hadii uu ku jiro maalintiisa kaligii ayaa City u hor seedi kara guusha.


Raheem Sterling vs Aaron Wan-Bissaka:

Iska hor imaadka xiddigaha Raheem Sterling & Aaron Wan-Bissaka ayaa ah mid si weyn loo sugayo marka loo eego in uu xiddiga Raheem Sterling ka mid yahay xiddigaha ugu fiican garabka ciyaara haatan yurub.

Sterling ayaa dhankiisa ka hor iman doona xiddiga mayalka adag ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo la odhan karo waa daafacyada ugu adag Premier League marka laga hadlayo difaacashada.

Iska hor imaadkoodii ugu damheeyay xiddiga Wan-Bissaka ayaa ahaa guulayste maadama uu joojiyay xiddiga Man City waliba u diiday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin labada xiddig ayaa si weyn isha loogu hayn doonaa waxana go’aamin doona kulanka midkooda fiicnaada maadama ay isaga hor iman doonaan boos muhiim u ah labada kooxood.


Ilkay Gundogan vs Scott McTominay:

Khadka dhexe ayaa noqon doona meesha ugu muhiimsan kulanka kooxda ku fiicnaata ayaana gacanta sare yeelan doonta shaki la’aan kulanka.

Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay goolal badan isaga oo la odhan karo waxa uu buuxiyay baahidii Man City ee weeraryahanka marka loo eego in uu Sergio Aguero dhaawacyo ku seegay xilli ciyaareedkan.

Laakiin Ilkay Gundogan ayaa ka hor iman doona xiddig dhankiisa ku fiican khadka dhexe ee daafaca waana xiddiga Scott McTominay kaas oo si weyn u caawiyay Man United xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE