XAQIIQOOYINKA Kulankii ay Liverpool Ceebtu Dusha Ka Fuushay.

XAQIIQOOYINKA Kulankii ay Liverpool Ceebtu Dusha Ka Fuushay.


Kooxda Liverpool ayaa sii wada guuldarooyinka kadib guuldaro xanuun badan oo ay kala kulantay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Gool uu dhaliyay xiddiga Mario Lemina ayaa Liverpool dusha ka saaray guuldaradii 6-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Liverpool ayaa gool looga hor maray 6 kulan oo xidhiidh ah horyaalka premier League iyaga oo ku ciyaaraya Anfield markii ugu horaysya ee taariikhdooda.

2.Liverpool ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda Anfield, markii ugu horaysay ee ay sidaas ku dhacday waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii 1953/1984 markaas oo ay ku dhamaysteen kaalinta ugu hoosaysa horyaalka waliba ka hadheen horyaalka.

3.Liverpool ayaan wax guul ah gaadhin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay Premier League 2 bar-baro iyo 6 guuldaro waana rikoodhkii ugu dheeraa ee ay ku dhigto Anfield intii u dhexysay October 1951 iyo March 1952 markaas oo ayna 10 kulan guul gaadhin.

4.Marka lagu daro rikoodhayaal ama goolal la iska dhaliyo Liverpool ayaa haatan ku fashilantay in ay gool ku dhaliso Anfield kadib 99 laad oo ay goolka ku laadeen Premier League waana markii ugu horaysay tan ilaa 2006/2007 ay koox premier League ah sidaas samayso.


Source: laacibfm.com

SHARE