Chelsea Oo Garaacday Everton Siina Xoojisay Fursadooda Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Chelsea Oo Garaacday Everton Siina Xoojisay Fursadooda Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.


Kooxda chelsea ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ee horyaalka Premier League iyaga oo garaacay kooxda Everton kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.


Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ay labada kooxood si qaab Taxadar leh ku bilowdeen mid walbana iska ilaalinaysay in gool deg-deg ah laga dhaliya.

Labada Kooxood ayaa isku dhiib-dhiibayay dhanka fursadaha iyada oo koox walba qaadaysay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 31-aad ayay Chelsea heshay goolka 1-aad iyaga oo uu si khaldan goolkiisa uga dhaliyay gool xiddiga Ben Godfrey kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda chelsea.

Kadib goolkaas Everton ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro waliba tijaabiyay daafaca chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea kala baxday muhiimada oo ahayd in ay ciyaarta hogaamiso.


Qaybta Dambe:

Kooxda Everton ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybtii dambe iyaga oo doonayay in ay horay isaga soo badaan goolka lagu leeyahay.

Laakiin chelsea oo daafac waali ah la soo baxday tan ilaa uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Daqiiqadii 53-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kia Havertz laakiin goolkaas ayaa la diiday kadib markii uu xiddigu gacanta ku taabtay kubada.

Laakiin chelsea ayaa daqiiqadii 65-aad heshay goolka 2-aad waxana gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa xiddiga Jorginho kaas oo ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul muhiim u ah korna u qaaday fursadohooda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya Premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE