Dib U Eegid: Thomas Tuchel Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League

Dib U Eegid: Thomas Tuchel Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League


Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League kulan ka dhacay garoonka Stamford Birdge.

Goolal ay dhaliyeen Ben Godfrey oo khalad goolkiisa uga dhaliyay & Jorginho ayaa chelsea ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim u ahayd.

Kadib guushaas Thomas Tuchel ayaa bilaa guuldaro ah kulankii 9-aad ee uu hogaamiyay kooxda chelsea tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Sidaas darteed tababare Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii 3-aad ee guuldaro la’aan ahaada 9-kiisii ugualn ee ugu horeeyay Premier League.

Kaliya tababare Maurizio Sarri oo 12 kulan guuldaro la’aan ahaa iyo Frank Clark oo 11 guuldaro la’aan ahaa markii uu hogaaminayay kooxda Nottingham Forest ayaa ka fiican Thomas Tuchel.


Source: laacibfm.com

SHARE