Edinson Cavani Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United, Muxuu Go’aansaday?

Edinson Cavani Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United, Muxuu Go’aansaday?


Xiddiga Edinson Cavani ayaa doonaya inuu ka tago Manchester United ka dib hal xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Old Trafford isla markaana uu ku laabto South America xagaaga, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Argentina.

Wargayska Ole ayaa sheegaya in uu weeraryahanka reer Uruguay doonayo in uu isaga tago Man United kuna biiro kooxda Boca Juniors inkasta oo uu heshiiskiisa ku haysto hal sano oo dookh ah oo uu kula sii joogi doono kooxda.

Cavani ayaa Man United ku soo biiray xagaagii kuna yimid kooxda si xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii kooxda PSG.

Laakiin kaliya kadib hal xilli ciyaareed oo uu joogay xiddiga ayaa haatan doonaya in uu isgaa tago kooxda si uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Boca.

Kooxda Boca Juniors ayaa doonaya in ay xiddiga la soo saxiixato xagaga si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE