Erling Haaland Oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Ku Biirista Man City Kuna Biiro Man United, Sabab.

Erling Haaland Oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Ku Biirista Man City Kuna Biiro Man United, Sabab.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Didi Hamann ayaa sharaxay sababta ay tahay in uu Erling Haaland isagga diido Man City kuna biiro Man United xagaaga.

Haaland oo 20 jir ah ayaa haatanba lagu qiimeeyaa xiddigaha ugu fiican yurub kadib markii uu 29 gool dhaliyay 27 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Borussua Dortmund xilli ciyaareedkan.

Kooxo dhawr ah ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga kana mid yihiin Man United, Man City, Real Madrid iyo Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Laakiin Hamann oo u soo ciyaaray Man City iyo Liverpool ayaa sheegay in uu Haaland ku soo bixi doono qaab ciyaareedka Man United marka loo bar-bar dhigo Man City.

“Uma malaynayo in uu Haaland yahay xiddig ku soo baxaya Man City, ma arko in uu ku biiro Man City laakiin waxa aan hubaa in ay Man City doonayso saxiixiisa”ayuu Hamann u sheegay Stadium Astro.

“Pep Guardiola waxa uu iska diray weeraryahano hore sababa la xidhiidha qaab ciyaareedkooda sidaas darteed ma hubo in uu Haaland ku soo baxayo qaab ciyaareedka Man City”.

“Man United waxa jooga xiddigo orod badan waxana ay jecelyihiin weerarka rogaal celiska ah sidaas darteed Haaland ayaa ku soo baxaya Man United marka loo bar-bar dhigo Man City”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE