Georginio Wijnaldum Oo Rajo Galiyay Liverpool Heshiis, Kordhintiisa Ayuu Ka Hadlay

Georginio Wijnaldum Oo Rajo Galiyay Liverpool Heshiis, Kordhintiisa Ayuu Ka Hadlay


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaan meesha ka saarin in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa hataan heshiis cusub uma saxiixin kooxda isaga oo si xor ah uga tagi kara dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer Holland ayaa sheegay in ay muhiimadiisa 1-aad tahay in uu Liverpool ka caawiyo in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii 6-aad oo xidhiidh ee ay kala kulantay Fulham.

“Hadii aad tahay taageere waliba aad taageerto kooxda, waad taageeraysaa waxa ay xiddiguhu samaynayaan”ayuu u sheegay beIN Sports.

“Hadii aad doonaysaan in aad wax ka maqashaan heshiiskayga waad maqli doontaan hadii ay wax cusub soo korhdaan, waxa aan rajaynayaa in ay taageeryaashu fahmaan waliba ay samir yeeshaan ilaa inta uu war cusub soo baxayo”.

“Waxa ugu muhiimsan haatan ayaa ah in aan xalino ciyaaristeen iyo walin in aan helno natiijooyin”.

“in laga hadlo xiddig gaar ah taas oo ah heshiiskayga xaaladan oo kale ma fiicna sababta oo ah ma jiraan war cusub, waxan u malaynayaa haatan in aan diirada saari doono xalinta xaalka aan ku jirno”.


Source: laacibfm.com

SHARE