Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan Kadib Markii Uu Xilli Ciyaareedku Dib U Furmay.

Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan Kadib Markii Uu Xilli Ciyaareedku Dib U Furmay.


Sida laga soo xigtay xogtii ugu dambaysay, kooxda Barcelona ayaa ah kooxda ugu cad-cad in ay ku guulaysato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Bar-Barihii kulankii Axadii ee u dhexeeyay kooxaha Atletico Madrid & Real Madrid ayaa la macno ah in ay kooxda Barcelona ku soo dhawaatay hogaamiyayaasha horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa haatan 2 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Atletico Madrid halka ay Real Madrid 5 dhibcood ka dambayso Atletico Madrid.

Si kasta ha ahaatee shabakada fivethirtyeight.com ayaa sheegtay in ay Barcelona 43% ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Koxoda Atletico Madrid ayaa 40% fursad u haysata ku guulaysiga horyaalka La Liga halka ay kooxda Real Madrid kaliya 14% fursad u haysato ku guulaysiga Horyaalka.


Source: laacibfm.com

SHARE