Labada Kooxood Ee Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Tartamada Oo Dhan Oo La Soo Saaray.

Labada Kooxood Ee Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Tartamada Oo Dhan Oo La Soo Saaray.


Xilli ciyaareedka 2020/2021 ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo horyaalada kala duwan ee ugu waaweyn yurub ku sii dhawaanayaan dhamaadka.

Kooxo badan ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo dhaliyay goolal badan horyaalada kala duwan ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Kooxda Bayern Munich ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay xilli ciyaareedkan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub tartamada oo dhan.

Kooxda Bayern Munich oo wacdaro dhigaysa xilli ciyaareedkan ayaa ilaa haatan dhaliyay 106 gool tartamada oo dhan iyaga oo ah kooxda ugu horaysa ee 100 gool gaadha kadib kor u dhaafta.

Kooxda Tottenham ayaa ah kooxda 2-aad ee dhalisay 100 gool kadib markii ay garaacday kooxda Crystal Palace kulankii Premir League.

Kooxda Tababare Jose Mourinho ee Tottenham ayaa dhalisay 100 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan tartamad aoo dhan.


Source: laacibfm.com

SHARE