Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Iska Iibiso Mohamed Salah Xagaaga, Sabab.

Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Iska Iibiso Mohamed Salah Xagaaga, Sabab.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa Kooxda Liverpool U Sheegay In Ay Iska Iibiso xiddiga Mohamed Salah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira xilli ciyaareed fiican isaga oo dhaliyay 24 gool 37 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee badalkii lagu sameeyay xiddiga kulankii chelsea ayaa muran badan dhaliyay kadib markii uu wakiilkiisu si weyn uga xanaaqay.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu fiican Liverpool laakiin Robbie Fowler Ayaa rumaysan in ay kooxdu iska iibiso xiddiga xagaaga.

“Wakiilka Salah waxa uu ogaa waxa uu samaynayo markii uu qoraalka soo dhigay baraha bulshada, markii aan arkay qoraalka markiiba waxa aan dareemay in ay dhibaato soo socoto”.

“Aniga ahaan hadii uu Mohamed Salah doonayo in uu isaga tago Liverpool waa in ay kooxdu iska fasaxdo oo ay lacag fiican ku iibiso”.

“Anigu waan jecelahay Salah laakiin hadii uu doonayo in uu tago waa in ay kooxdu iska iibiso”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE