Liverpool Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Jurgen Klopp Kadib Wakhtiga Adag Ee Ay Kooxdu Ku Jirto.

Liverpool Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Jurgen Klopp Kadib Wakhtiga Adag Ee Ay Kooxdu Ku Jirto.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wali ka dambayso waliba ku kalsoontahay tababare Jurgen Klopp waliba aaminsantahay in uu yahay tababaraha kooxda ka saari kara wakhtiga adag ee ay ku jirto.

Mustaqbalka tababare Jurgen Klopp ayuu shaki weyn soo fuulay todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii ay kooxdu ka hadhay tartanka horyaalka sidoo kale kooxdu ku jirto wakhti adag iyaga oo guuldaro la kulmay 6 kulan oo xidhiidh ah garoonkooda Anfied.

Waxa ay kooxda Liverpool haatan ugu cad-cadahay in ay gabi ahaan seegto champions League xilli ciyaareedka dambe kadib natiijooyinkii kulamadii ugu dambeeyay.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa caado ahaan shaqada ka caydhiya tababaraha kooxda u soo saari waaya champions league sidii ay horay ugu dhacday tababarayashii hore.

Si kasta ha ahaatee Milkiilayaasha kooxda ayaa garab taagan tababare Klopp halka ay inta badan taageerayaasha kooxdu garab taaganyihiin tababaraha.

Milkiilayaasha Liverpool ayaa doonaya in uu Tababare Klopp sii hogaamiyo mashruuca kooxda waliba ayna natiijooyinka kulamadii ugu dambeeyay ayna badali doonin go’aankooda.

Waxa intaas sii dheer in ay Milkiilayaashu tabaabraha siin doonaan taageerada uu u baahanyahay marka uu suuqu furmo si uu kooxda dib ugu dhiso xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE