Madaxweynaha Barcelona Ee Cusub Oo Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhigtay Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Madaxweynaha Barcelona Ee Cusub Oo Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhigtay Xiddig U Ciyaara Liverpool.


Madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed ka dhigtay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.

Joan Laporta ayaa shalay ku guulaystay madaxtinimada kooxda Barcelona kadib markii uu tartan la galay 3 musharax oo kale.

Wargayska Sport ayaa haatan sheegaya in uu Joan Laporta bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona oo uu hogaaminayo Joan Laporta isku diyaarinayso in ay xagaaga baanka u jabiso saxiixa Mohamed Salah.

Barcelona ayaa aaminsan in ay heli doonto Salah gaar ahaan marka loo eego in ay Liverpool ka hadhi doonto tartanka champions Legaue xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE