Madaxweynaha Cusub Barcelona Ee Joan Laporta Oo Si Adag Uga Hadlay Mustaqbalka Messi

Madaxweynaha Cusub Barcelona Ee Joan Laporta Oo Si Adag Uga Hadlay Mustaqbalka Messi


Madaxweynaha cusub Barcelona ee Joan Laporta ayaa balan qaadkii ugu horeeyay  sameeyay ka  dib markii xalay uu ku guuleystay doorashada hogaanka Barcelona

Waxa uu madaxweynaha cusub balan ku qaaday in Messi uu kooxda ku sii hayn doono kaasi oo hishiiskiisa haatan uu dhacayo xagaaga waliba kooxda aan la mel dhigin mid cusub

” In aan aragno Messi oo codeynaya waxa ay  marqaati ka tahay in laacibka uu jecel yahay Barcelona” ayuu sii raaciyay Joan Laporta oo saaxib la ah wiilka reer Argentina .

” Wax qurxoon ayay aheyd in aan aragno Messi oo codkiisa dhibanaya , xiddigaan ugu fiican dunida waxa uu jecel yahay Barcelona , waxaan ku dhiira gilineynaa in uu kooxda sii jooga dhamaanteena sidaas ayaan rabnaa”.

Joan Laporta waxa uu xusay in uu sameyn doono is badel weyn waliba ay jirayaan xiddigo dhowr ah oo hishiisyo cusub saxiixaya dhawaan


Source: laacibfm.com

SHARE