Pep ” Hal Qalad Ayaan Sameeyay Kulankii Xalay Ee Man United”

Pep ” Hal Qalad Ayaan Sameeyay Kulankii Xalay Ee Man United”


Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa qiray in uu ku qaldanaa in uusan Aguero safin kulankii Man United

City ayaa garoonka Etihad kula kulantay guul darro laba gool ah waxaana garaacday United oo ay wada ciyaareen kulan ka tirsanaa wareegga 27-aad ee horyaalka .

Aguero ayaa kulankaas soo galin waxa uuna ka dawaanayaa kursiga badelka xilli falaanqeeyaal badan isku raaceen in kulankaan oo kale aad loogu baahnaa Aguero

Mar la weydiiyay in Aguero uu awooday in uu ciyaaro kulankaas United waxa uu macalinkaan ku jawaabay” Haa , wuu awooday in uu ciyaaro”

Bogga City ayuu Pep ka yir ” go`aan qaldan ayuu ahaa in aan Aguero soo gilin kulankaan , ma aqaan waxa dhacay”

Aguero  oo ah gool dhaliyaha taariikhiga City ayaa si wacan u garanaya United waliba oo booqan jiray shabaqooda balse Pep xalay ma uusan ciyaarsiin .

City inkastoo guul daro ay la kulantay hadana weli horyaalka dhibco badan ayay ku hayaan


Source: laacibfm.com

SHARE