Rikoodh: Thomas Tuchel Oo Premier League Ka Dhigay Rikoodh Uuna Tababare Hore Ka Dhigin Tariikhdiisa.

Rikoodh: Thomas Tuchel Oo Premier League Ka Dhigay Rikoodh Uuna Tababare Hore Ka Dhigin Tariikhdiisa.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sii wada shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka waday kooxda chelsea premier League tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ay ka gaadheen kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Kadib guushii 2/0 ahayd ee ay chelsea ka gaadhay Everton Tababare Thomas Tuchel ayaa dhigay rikoodh uuna Abid tabaabre kale ka dhigin taariikhda horyaalka.

Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda horyaalka premier League shabaqiisa ilaashada mid kasta oo ka mid ah 5-tiisii kulan ee ugu horeeyay ee uu Premier League ku ciyaaray garoonkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE