Xog Ka Cusub Mustaqbalka Andreas Christensen Ee Chelsea , Maxay Maamulka Damacsan Yihiin?

Xog Ka Cusub Mustaqbalka Andreas Christensen Ee Chelsea , Maxay Maamulka Damacsan Yihiin?


Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah in wadahadallo hishiis kordhin ah ay la galaan xiddigooda Christensen

Laacibkaan Chelsea u jooga tan iyo sanadkii 2012-ka waxa uu qanadaraaskiisa haatan dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe

Xilli weli wada hadalka aysan bilaaban , Chelsea ayaa dareensan in kooxo kala duwan ay isha ku hayaan Andreas Christensen balse dhanakooda ma doonayaan in ay waayaan 24 sano jirkaas sida wargeyska Telegraph sheegayo.

Maamulka Chelsea aya haatan go`aan ku gaaray in laaicbka hishiis cusub lagu abaal mariyo marka la eego  heer ciyaareedkiisa  waxa ayna wararka qaar sheegayaan in ay damacsan yihiin in laacibka laga dhaadhaaciyo in qalinka uu ku duugo qandaraas  gaaraya illaa iyo xagaaga 2024-ka

Christensen ayaa haatan qeyb ka ah shaxda asaasiga Chelsea tan iyo markii macalin cusub uu yimid kaliyana hal kulan ayuu seegay


Source: laacibfm.com

SHARE