XOG Lay Yaab Leh: Kooxo Liverpool Kaga Goolal Badan Garoonkooda Anfield Premier Legaue Ilaa Haatan Sanadka 2021.

XOG Lay Yaab Leh: Kooxo Liverpool Kaga Goolal Badan Garoonkooda Anfield Premier Legaue Ilaa Haatan Sanadka 2021.


Kooxda Liverpool ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa garoonkeeda Anfield horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii ugu dambaysay.

Kooxda Fulham ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee garaacday Liverpool kulan Prmeier League ah iyaga oo jooga garoonkooda Anfield.

Kooxda Fulham ayaa Liverpool kaga badisay 1/0 iyada oo Liverpool la kulantay guuldaradii 6-aad oo xidhiidh ah premier League garoonkooda Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa kaliya hal gool ku dhalisay garoonkooda Anfield ilaa haatan sanadka cusub 2021 kadib kulamadii ay ku ciyaartay garoonkooda.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay jiraan kooxo Liverpool kaga goolal badna garoonkooda Anfield horyalka ilaa haatan sanadka cusub ee 2021.

Kooxaha Man City Iyo Everton ayaa Liverpool kaga goolal badan Anfield kadib markii ay Reds kaga badiyeen 4/1 Mna City ah iyo 2/0 Everton ah.

Dhanka kale Liverpool oo hal gool oo rikoodhe ah ku dhalisay Anfield ayaa la goolal ah kooxaha Fulham, Burnley, Brighton iyo Chelsea kuwaas oo Liverpool min 1/0 uga badiyay Anfield kulamadii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE