Aabaha Dhalay Edinson Cavani Oo Xaqiijiyay In Uu Wiilkiisu Ka Caraab Doono Man United, Sabab.

Aabaha Dhalay Edinson Cavani Oo Xaqiijiyay In Uu Wiilkiisu Ka Caraab Doono Man United, Sabab.


Xiddiga Edinson Cavai ayaan ku faraxsanayn Man United waxana uu kooxda isaga tagi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa sidaas xaqiijiyay Aabaha dhalau Cavani ee Luis Cavani kaas oo sheegay in uu Wiilkiisu doonayo ku laabashada South America xagaaga haatana wadahadalo la furay kooxda Boca Juniors.

Luis Cavani oo la hadlaya wargayska TyC Sport ayaa yidhi”Wiilkaygu raaxo kuma dareemayo England waxana uu doonayaa in uu qoyskiisa u dhawaado”.

“Edinson waxa uu u dhaqaaqi doonaa Southa America, Edinson waxa uu doonayaa in uu ku biiro koox u tartamaysa koobab”.

“Edinson waxa uu haatanba wadahadalo la qaatay Madaxweyne ku xigeenka kooxda Boca Juniors waxana uu jecelyahay in uu u ciyaaro Boca”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE