Alexandre Lacazette Oo Loo Soo Bandhigay Saddex Koox Oo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah, Barcelona Ayaa Ku Jirta

Alexandre Lacazette Oo Loo Soo Bandhigay Saddex Koox Oo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah, Barcelona Ayaa Ku Jirta


Weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxaha waa weyn ee Yurub Barcelona, ​​Atletico Madrid iyo Juventus.

Xiddiga reer France aya gali doona sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa waxana uu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta waxana uu haatan ka fiirsanayaa qorshihiisa.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in uu Lacazette diyaar u yahay in uu isaga tago Arsenal si uu ciyaaro tartan kale.

Wakiilka xiddiga 29 jirka ah ayaa haatanba wadahadalo la qaatay kooxaha Barcelona iyo Atletiico Madrid iyo Juventus xilli ay 3-da kooxoodba xiiso u qabaan saxiixiisa.

Lacazette oo haatan ku jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed ayaa doonaay in uu xagaaga ku biiro kooxo koobab ku guulaysan karta.


Source: laacibfm.com

SHARE