Angelino Oo Sheegay Xiddigaha Ay RB Leipzig Bartilmaameedsan Doonto Si Ay U Garaacaan Liverpool.

Angelino Oo Sheegay Xiddigaha Ay RB Leipzig Bartilmaameedsan Doonto Si Ay U Garaacaan Liverpool.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Angelino ayaa sheegay in ay kooxdiisu bartilmaameedsan doonaan daafacyada Liverpool si ay u garaacaan liverpool.

Liverpool ayaa kulanka soo galaya iyaga oo 2/0 ku hogaaminaya waxana ay isha ku hayaan in ay ka baxaan natiijooyinka xun ee ay heleen kulamadii ugu dambeeyay.

“Waxan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaarnay kulankii hore waxan samaynay dhawr khalad”yuu Angelino yidhi.

“Waxa ay ku fiicanyihiin kubad haysashada sidoo kale waxa ay haystaan xiddigo fiican”.

“Laakiin waxa ay ka diciifsanyihiin dhanka daafaca sidaas darteed waa in aan

dhankaas bartilmaameedsano kana faa’iidaysano”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE